Rajo wanaagsan oo laga qabo ciribtirka cudurka dabeysha

11 kiis oo caabuqa polio-yada ah ayaa sanadkan dunida oo dhan laga diiwaangeliyay, taas oo noqonaysaba middii ugu yareyd abid.

Haddaba iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta cudurka dabeysha ama Polio-yada ayaa waxaa soo cusboonaaday rajadii aheyd in cudurkan la ciribtiri karaba.

Afghanistan iyo Pakistan ayaa ah labada dal ee uu weli ka jiro caabuqa Polio-yada.

Sanad iyo xoogaa ka hor, Afrika ayaa waxa ay u dhaweyd in lagu dhawaaqo in cudurka dabeysha laga dabargooyay.

Hasayeeshee waxaa arrintaa hor istaagay baaritaanno lagu sameeyay laba kiis oo cusub oo curyaamiyay carruur ku nool waqooyiga Nigeria.

Tan iyo xilligaana lama soo tebin caabuq cusub oo cudurkan la xiriira.

Waxaa jirta rajo wanaagsan oo laga qabo in la joojin karo faafidda cudurkan aan dawada lahayn.

Waxaa kaloo jaro horumar ay sameysay hay’adda Sanofi Pasteur, taas oo ah midda ugu weyn ee soo saarta tallaalka Polio-yada.

Khubarada arrimahan ku xeelka dheer ayaa ku guulaystay inay dhowr jeer badbadalaan dawooyinka cudurka dabeysha.

Waxa uu ahaa hannaan caqabado badan wajahay oo ay aheyd in mudadaas caalamka oo dhan laga gaaro, dib u dhackastana waxa uu sababi karaa in caabuqa horleh laga qaado tallaalka.