Ronaldo oo ku guuleystey abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka (Sawiro)

Ciyaaryahanka xulka qaranka Portuqal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa markii labaad oo isku xigta ku guuleystey abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ee ay FIFA bixiso.

Cristiano Ronlado ayaa xaflad lagu qabtay magaalada London caawa waxa uu ugaga guuleystey Lionel Messi iyo Neymar oo ay abaalmarintan THE BEST ay ku tartamayeen.

Xiddiga Real Madrid ayaa Messi iyo Neymar waxa uu ku garaacay guushii ay kooxdiisu ka gaartay horyaalka La ligaha iyo weliba Horyaalka Yurub ee Champions Leagu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ronaldo ayaa dhaliyay 44 gool u dhaliyay kooxdiisa iyo xulka qarankiisa sanadkan 2017 waxana uu labo gool ka dhaliyay ciyaartii finalka ahayd ee Champion League oo ay kooxdiisu ku guuleysatay markale bishii June iyadoo Real Madrid markeedii 12aad ku guuleysatay koobkaas.

Xafladii caawa ka dhacday magaalada London ayaa sidoo kale tababaraha ugu fiican sanadkan waxaa ku guuleystey tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane isagoo ka guuleystey tababarayaasha  Antonio Conte iyo Massimiliano Allegri.

Zidane ayaa sanadkan waxa uu u ahaa mid wanaagsan iyadoo kooxdiisu ay ku guuleysatay koobabka La Ligaha iyo Champion League.

Sidoo kale tababaraha xulka gabdhaha ee Holland Sarina Wiegman ayaa loo magacaabay tababaraha gabdhaha ee ugu fiicnaa sanadkan.

Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa isagana ku guuleystey goolhayaha ugu wanaagsanaa caalmka ee sanadkan. Goolhayaha ayaa waxaa ugu dambeyntii la tartamay goolhayaasha kale ee Keylor Navas ee Real Madrid iyo Neuerka Bayern Munich. Goolhayihii hore ee Manchester United Peter Schmeichel ayaa guddoonsiiyay abaalmarinta goolhayahan 39sano jirka ah.

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France Olivier Giroud ayaa ku guulaystay  abaal marinta FIFA Puskas Award 2017 ee goolkii ugu quruxda badnaa wuxuuna tartankan ugu guulaystay goolkii dibqalooca ahaa ee  ee uu ka dhaliyay kooxda Crystal Palace ee horaantii sanadkan.

Giroud tartanka ugu jiray waxa uu ka dhaliyay goolhayaha kooxda Crystal Palace ee Wayne Hennessey kadib markii uu kubbad ka helay Alexis Sanchez laakiin qaabka uu Giroud goolkan ku dhaliyay iyo in uu isaga oo sii dhacaya cirib danbeed qaabka dibqalooca ah uu ku dhaliyay ayaa aduunka indhiisa qabtay.