Riyad Mahrez oo ku guulaystay koobka laacibka Afrika ee CAF

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Leicester City iyo xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, ayaa ku guulaystay abaalmarinta Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda.

25-jirkan, ayaa xagaagii tegay ka caawiyay kooxda Leicester inay ku guulaysato horyaalka Ingiriiska, horayna waxa uu ugu guulaystay laacibka Horyaalka Ingiriiska, sidoo kalana waxa uu qaaday billada BBCda ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika.

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa soo galay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaad uu soo galay laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal, Sadio Mane.

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka Nigeria, Alex Iwobi, ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee Afrika.

Ninka ay isku dalka ka soo jeedaan ee u safta kooxda Manchester City, Kelechi Iheanacho, ayaa isna u tartamayay billadaasi.

Denis Onyango oo 31 jir ah una dheella naadiga Mamelodi Sundown oo ka dhisan dalka Koonfur Afrika ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika ee ka dheela Afrika gudaheeda.

Dhanka gabdhahana Asisat Oshoala oo 22 jir ah una dhalatay dalka Nigeria ayaa ku guulaysatay abaalmarinta gabadha ugu ciyaar wanaagsan Afrika ee sanadka.

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee magaciiisa loo soo gaaabiyo CAF ayaa sidoo kale shaaaciyay tobanka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan Afrika waxayna kala yihiin:

1. Denis Onyango ( Uganda)
2. Serge Aurier ( Ivory Coast)
3. Joyce Lomalisa ( DR Congo)
4. Eric Bailly ( Ivory Coast)
5. Aymen Abdennour (Tunisia)
6. Keegan Dolly (South Africa)
7. Khama Billiat (Zimbabwe)
8. Rainford Kalaba (Zambia)
9. Pierre-Emerick Aubameyang ( Gabon)
10. Riyad Mahrez ( Algeria)
11. Sadio Mane (Senegal)