Ugu yaraan 12 qof oo ku dhintay daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay koonfurta Thailand

Roobab mahiigaan ah iyo daadad culus oo ka da’ay ayaa ku dhuftay gobollada koonfurta Thailand , halkaas oo ay dad tiro ah ku dhinteen, saameyna ku yeelatey kumanaan tuulooyinka.

Tirada rasmiga ah ay sii daaysay saraakiisha Sabtidii ayaa muujisay in ugu yaraan 12 qof ay naftooda ku waayeen usbuucii la soo dhaafay.

Dhowr gobollada koonfurta Thailand ayaa saameeyeen roobabka tan iyo January 1, iyadoo isu socodkii gaadiidka iyo wadooyinka ay xirmeen , kumanaan dalxiisayaal shisheeye ayaa ku xayiran jasiiradaha Ko Samui iyo Ko Pha Ngan .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Thai ayaa ku sheegay hadal in fatahaada uu saameeyey in ka badan 700,000 oo qof. Saraakiisha maxalliga ah ayaa sidoo kale sheegay in biyaha daadka ay burburiyeen in ka badan 1,500 dugsi oo ku yaalla gobollada daadka qaaday.

Dhanka kale, Waaxda Saadaasha Hawada Thai ayaa ka digay suurto gal ah “roob iyo daadad culus” ayaa la filayaa in ay sii socdaan laba maalmood oo dheeraad ah.