Ruuskha iyo Mareykanka oo ku dhawaaqay in ay ballaarinayaan hubkooda wax gummaada ee “nukliyeerka”

Madaxweynayaasha Ruuskha iyo Mareykanka ayaa maalmo gudohood waxa ay ku dhawaaqeen in la joogo xilligii ay balaarin lahaayeen tayada hubkooda wax gumaada ee loo yaqaan “nukliyeerka”.
Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka oo ugu dambeeyayhadalka dhanka nukliyeerka ayaa ku baaqay in Maraykanka uu xoojiyo iyo inuu balaariyo awoodda hubkiisa nukliyeerka.

Madaxweynaha la doortay ee Trump, oo xafiiska la wareegayo bisha danbe, ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in Maraykanka uu qaadayo tallaabo “ilaa adduunka uu la imaado wax macquul ah oo ku saabsan nukliyeerka”.

Wuxuu hadlay saacado kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay in Ruushka uu u baahan yahay inuu kordhiyo hubkiisa nukliyeerka.

Maraykanka ayaa leh 7,100 oo hub nukliyeer ah, Ruushkana waxay leedahay 7,300, sida ay sheegtay ururka ilaalinta hubka (Arms Control Association).