Xalab oo si buuxda gacanta ugu gashay dowladda Suuriya

Ciidamada dalka Suuriya waxay shaaciyeen guul inay ka gaareen magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Daad gureyntii ka socotay halkaas ayaa dhammaatay, dhammaan shacabka iyo mucaaradka ayaa laga saaray deegaanadii go’doonsanaa.

Arrintaas ayaa ah in ciidamada dowladda ay si buuxda u qabsadeen Xalab, waxaana la arkayay ayagoo dabaaldegaya.

Waa guushii ugu weyneyd ee madaxweynaha Suuriya Bishar Al-Asad uu gaaray muddadii dagalka uu dalkaasi ka socday.

Mid ka mid ah ciidamada galay deegaanadii go’doonsanaa ayaa sheegay inay sii soconayaan illaa Suuriya oo dhan ay ka qabsanayaan.