RW Sharmarke oo waan waan ka dhex wada Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke  ayaa waan waan waxa uu ka dhex billaabay Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan.

Wararka waxa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Sharmarke iyo Cabdiweli Gaas ay ku sii jeedaan Deegaanka Carmo si halkaas ay ugu yeeshaan kulamo dhex dhexaadin ah oo Madaxweyne Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari laga dhex sameynayo.

Galan ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyadoona muddooyinkii dambe  Ciidamo taabacsan ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Magaalada Carmo iyo Nawaaxigeeda.