Ugaas Cabdirashiid Ugaas Roobleh Oo Canbaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Afhayeenkiisa, Kana Digay In La Siyaasadeeyo

Ugaas Cabdi Rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa canbaareeey xadhiga loo gaystay afhayeenkiisa Muuse Carab Dugsiiye, wuxuuna ku baaqay in dagdag loogu soo celiyo xoriyadiisii.

” Waxaan canbaaraynayaa anniga oo ah Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble xadhiga lagula kacay afhayeenkayga Muuse Carab Dugsiiye, waxaanan ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in ay si dhakhso ah oo ayna shuruudi ku xidhnayn u sii dayso” ayuu yidhi Ugaas Cabdirashiid oo la hadlaayey wakaalada wararka ee Heemaal News Network.
Ugaaska ayaa ka digay in la siyaasadeeyo xadhiga afhayeenkiisa.

” Muuse waxaa loo xidhay arin tol, geedka hoostiisa ayaana lagu dhamaynayaa, umana dul qaadan karno in la siyaasadeeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Ugaasku.