Sacuudi Carabiya oo ammaahatay 17 bilyan oo dollar markii ugu horaysay suuqyada caalamiga.

Sacuudi Carabiya ayaa ka ammaahatay toddobo iyo toban bilyan oo dollar markii ugu horaysay suuqyada caalamiga.

Dowladda ayaa saadaalisay in miisaaniyada ay ka maqnaan doonto lacag dhan 90 bilyan oo dollar sanadkan, kadib markii sicirka shidaalka uu hoos u dhacay taasoo ah lacagta ugu badan ee soo gasha Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa ka mid ah sida Sacuudiga uu iskugu dayayo inuu dheelitir ugu sameeyo dhaqaalihiisa si uusan ugu xirnaan shidaalka.

Bishii April Sacuudiga ayaa ansaxiyay qorshe isbadal dhaqaale. Tan iyo waqtigaas wuxuu ku dhawaaqay in mishaarka laga dhimo shaqaalaha dowladda si loo yareeyo qarashka dowladda, kadib markii ay yaraatay lacgtii ka soo galaysay shidaalka