Taliyaha Booliska”Waan Isku Diyaarinay Sugidda Amniga Goobaha Doorashada – VIDEO

Taliyaha ciidanka Booliiska, wasiir ku xigeenka Gaashaandhiigga, Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka ciidanka booliiska.

Cutubyo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa dhoolatus ciidan kusoo bandhigay fagaaraha dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, taasoo ay ku muujiyeen qibrada iyo aqoonta ay u leeyihiin sugidda amniga guud ee dalka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ciidanka boolisku uu higsanayo horumar la taabankaro.

‘Ciidanka booliska waxa uu hiigsanayaa horumar aad u balaaran, waxaa nagu soo fool leh doorashooyin la rabo inaan amniga wax badan ka qabanno, waxaa nagu soo fool leh isbedel dowlad cusub oo la dhisidoono, waxaa nagu soo fool leh sanad cusub oo ah 2017-ka oo aan rabno inaan u bixinno sanadki booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xaamud.

Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Cabela ayaa sheegay in amnigu yahay udub dhexaadka nolosha isagoo xusay in haddii la sugo ammaanka la gaari doono horumaro lagana bixidoono dhibaatooyinka.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay horumarka uu ku tallaabsaday ciidanka booliiska, tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

1

23456789101112131415unnamed