Sacuudiga oo diiday inuu yahay isha xagjirnimada
Warbixin ay soo saartay hay’ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain.
Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa maanta magaalada Qaahira uga shiraya muranka Khaliijka, afar usbuuc uun ka dib markii ay xiriirka u jareen Qatar.
Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Sucuudi Carabiya munaafaqnimo ku aaddan eedeynta Qatar ay ku eedaysay inay kaligeed maalgaliso argagixisada.
Safaaradda Sucuudiga ee London ayaa beenisay eedeymahaasi, waxayna ku tilmaantay mid been abuur ah. Hase yeeshee qoraaga warbixintan ayaa sheegay in uusan la yaabeyn jawaabta Sucuudiga.
Sacuudigu waa saaxibka ugu weyn ee Britain iyo jaalka xagga baayac mushtarka ee Britain ku leedahay Bariga dhexe. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Britain wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay shaaca ka qaaddo warbixinteeda sirta ah ee xagjirnimada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar waxaa lagu wadaa inuu dhawaan shaaca ka qaado jawaabta waddankiisa ee ku wajahan liiska dalabaadka ee ay soo bandhigeen dalalka uu Sacuudigu hogaaminayo, kaasoo la xiriira in Qatar ay taageerto argagixiso.
Wasiirrada A dibadda ee Masar, Sacuudiga, Iimaaraadka iyo Baxrayn ayaa iyagana isugu imaanaya Qaahira si ay mushaakilkan uga arrinsadaan, ka dib markii ay 4 todobaad ka hor aad u wiiqeen xiriirkii ay la lahaayeen Qatar.
Isagoo hadlayey maalin ka hor kulanka ayuu wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee imaaraadka Sheekh Cabdalla Bin Zayed wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Qatar ay qaabkeeda wax ka beddesho.
Madaxda sirdoonka ee 4ta dal ee ku kacsan Qatar ayaa iyagana ayaa Talaadadii kulmay.