Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo War ka soo saartay hadal uu Jeediyay Raila Odinga

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu qoray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Max’ed Xasan uu si carol eh uga hadlay hadal uu dhawaan jeediyay R/wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga haddana hogaamiya isbahaysi mucaarad ah oo CORD la yiraahdo kaasoo la xariiray inuu Maamulka Hargeysa u aqoonsan yahay dal Soomaaliya ka madax banaan.

Danjir Jamaal ayaa laga soo xigtay inuu hadal mas’uuliyad darro ah yahay warka hadlka Odinga oo uu yahay hadal xoojinaya kala go’a Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in safaarad ahaan ay aad u diidan yihiin wararka noocaas oo kale ah in madaxi tiraahdo.

Railla Odinga ayaa laga soo xigtay inuu mar yiri asagoo jooga dalka Ingiriiska oo uu kulan kaga qeyb galay “Waxaan aad u taageerayaa aqoonsi la siiyo Somaliland oo aan u arko dal madax banaan”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya hadalkaas waxaa uu ku tilmaamay mid qaraar oo aan ka tarjumeyn dawlada Kenya waxaana uu intaa danjiruhu ku daray in arrimaha noocaan oo kale ah Soomaalida u yaalaan.

Warbaahinta Kenya ayaa aad u hadal haysay xiriir dhex maray dawlada Kenya iyo madaxda Somaliland kadib markii  madax ka tirsan dawlada Kenya ay dhawaan tageen magaalada Hargaysa.

Waftiga Kenya tagay dhawaan waxaa hogaamiyay gudoomiyaha gobolka Jaadku ka baxo ee Miiraa Peter Munya waxaana mas’uulkaas sheegay in jaadka Kenya ka baxa marka ay Hargaysa geeyaaan ka rajaynayaan in laga helo lacag dhan billion oo lacagta Kenya.