UNICEF oo sheegtay in Xaaladda caruurta Soomaaliyeed ay ka soo reyneyso

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Curuurta (UNICEF) ayaa lagu sheegay in Xaalada Caruurta Soomaaliyeed ay haatan soo hagaageyso balse loo baahan yahay in wax badan la qabto.

Qoraaalkaan ka soo baxay Hay’adda UNICEF ayaa lagu qeexay inta badan Caruurta badbaaday in ay heleen Cuno, Biyo, daryeel caafimeed iyo bey’adda ay ku nool yihiin oo ka wanaagsan sidii hore.

Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Curuurta (UNICEF), Steven Lauwerier ayaa waxuu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay wajahayaan Caruurta Soomaaliyeed kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay u baahan yihiin wax ka qabasho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wakiilka waxuu intaasi ku daray in 300, 000 oo Caruur ay ku macluulsan yihiin qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Inta badan Warbixinada ka soo baxa Hay’adda Hay’adda UNICEF ayaa lagu xusaa in Kumanaan ka mid ah Caruurta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad nololeed balse Warbixintan cusub ayaa muujineysa in xaalada caruurta Soomaaliyeed ay ka soo reyneyso sidii hore.