Safiir cusub oo Soomaaliya u magacawday Sweden

Wassaarada arrimaha dibada ayaa ku magacaabtay in ay Soomaaliya laga bilaabo maanta safiir cusub ku haysto Iswiidhan.

Awali Ali Kulane ayaa horay u ahaan jiray safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya qaramada midoobey.

Sido kale ayuu hogaamiye ku xigeen ka ahaa safaarada ay Soomaaliya ku leedahay waddanka China magaalada Beijing inta u dhaxeeysay 2009 iyo 2013:kii. Awali Ali Kulane ayaa sanadyadii 2008 ilaa 2009:kii talo bixiye u ahaa madaxweeynaha Soomaaliya.

Wadamadda Sacuudiga, Finland iyo Bulgaariya ayaa iyaguna safiiro cusub ku haysan doona Iswiidhan.