Obama oo Biden Siiyey Abaalmarinta Xorriyada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa xalay gudoonsiiyey ku xigeenkiisa Joe Biden biladda Xorriyada oo ah bilad tan ugu sareysa ee uu Madaxweyne Mareykan ah qof siiyo.

Xaflad ka dhacday Aqalka Cad Khamiistii shalay ayuu madaxweyne Obama si lama filaan ah u siiyey Joy Biden oo isaga oo yaaban isla markaana qiireysan gudoomay biladan.

Madaxweyne Obama ayaa ku amaanay ku xigeenkiisa Biden shaqada dheer ee uu wadankiisa u qabtay mudada todbnaanka sana ah.

Biden oo ilmeeynayey ayaa u mahadceliyey qoyskiisa iyo madaxweyne Obama.