Saraakiil Puntland oo Lagu Casuumay Markabka Dagaalka ITS Espero – SAWIRO

Markabka Dagaalka Talyaaniga ee ITS Espero oo ka mid ah markiibta midowga yurub ee Ilaalisa xeebaha Soomaaliya ayaa lagu casuumay Saraakiil ka socotay Ciidamadda Marinayska Puntland(PMPF) iyo ciidamadda Ilaaladda Dekeda  30kii bishii April ee aynu soo dhaafnay, sida lagu faafiyay bogga twitter ee  EU NAVFOR.

Kullanka oo saacado kooban socday wuxuu la xiriiray aragtiyo  iyo afkaaro ay iswaydaarsadeen labada dhinac oo la xiriiray dib u soo laabashada Burcad-badeed iyo muhiimada ay leedahay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa weerarada burcada ee xeebaha Soomaaliya

“kullamada aanu la yeelanayno ciidamada badda ee degaanka waxay ka caawinaysa ciidamada EU NAVFOR  in kor loo qaado is-fahamka iyo is-aaminida labada dhinac ee la dagaalanka burcad-badeeda” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta internetka ee EU NAVFOR.

dhinaca kala, Markabka Talyaaniga wuxuu bishii hore uu tababaro siiyay unug ka tirsanayd ciidamada Ilaaladda Dekeda Bosaso, kuwasoo la siiyay tababaro asaasi ah oo la xiriiro qaababka loo kala saari karo doonyaha  kalluumaysiga iyo kuwa ay wataan Burcad-badeedu.

Sawiradda Ciidamada Tababarka La Siiyay