Michael Keating oo dowladda ka dalbaday cadaaladda in la horkeeno askarigii dilay Wasiir Siraaji

Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa - Bildfunk+++

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaliya Michael Keating ayaa waxa uu cambaareeyay dilka Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Marxuum Siraaji.

Michael Keating ayaa wax laga argagaxo ku tilmaamay dilka wasiirka oo uu sheegay in uu ahaa tusaale fiican oo ay ku daysanaayeen badi dhalinyarada Somaliyed maadaama uu ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa golaha wasiirada.

“Dilkii Wasiir Siraaji waxa uu ahaa mid argagax leh, naxdina leh, ani ahaan aad baan uga murugeysanahay, dhammaan Ehelada Marxuumka, Qaranka iyo shacabka Somaliyed waan uga Tacsiyadeynayaa.” Ayuu yiri Keating.

Mr Keating ayaa ugu dambeyntii madaxda dowladda ka codsaday in cadaalada la hor keeno ragii ka dambeeyay dilka wasiirka.