Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Garoonka Diyaaradaha oo lagu Dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee ee Aadan Cadde ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii dambe ee maanta lagu Dilay Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Tooxoow ayaa Dabley ku hubeysnaa bistoolado waxey ku toogteen Xaafada Tabakaayo Madoow ee Degmada Dharkeenleey, sida uu sheegay Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle.

Mid ka mid ehelada Marxuumka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyay Dilka Sarkaal Xasan Tooxoow.

Kooxihii ka dambeeyay Dilka Sarkaalkaasi ayaa durbaba isaga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah oo ku aadan Dilkaasi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilkaasi Degmada Dharkeenleey loogu geystay Sarkaal Xasan Tooxoow oo ka mid ahaa Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.