Dowlada Pakistan oo ku eedeysay dowlada Hindiya inay duqeyn u geysatay dalkeeda

Dowladda Pakistan ayaa ku eedeysay India in ay gantaalo kusoo riday soohdinta ay labada dal ku wadaagaan gobolka Kashmir, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntaasi.

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ciidanka India uu muddo afar saac ah hubka culus ku garaacayay soohdinta kala qeybsi ee Kashmir, gaar ahaan magaalada Bhimber.

Waxa uu intaa ku daray in si wanaagsan uu uga jawaabay duqeyntaasi. India ayaan ka hadlin eedeyntaasi Pakistan ay usoo jeedisay.

Taliyaha milateriga India ayaa booqday ciidanka ku sugan furinta, ayadoo xukuumadda Delhi ay dhawaan sheegtay in ay gudaha Pakistan ka fulisay duqeymo ay ku bartilmaameedsatay xarumo ay sheegtay in ay leeyihiin kooxo argagixiso ah.Xiisadda labada dal ee deriska ah, kuna hubeysan nukliyeerka, ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaartay meel sare.

Shalay ayaa laga mamnuucay dalka Paksitan in lagu daawado shineemooyinka waaweyn aflaamta Hindiga iyagoo sheegay inay taageerayaan milatariga dalkooda.

Shirka Hindiya ee soo saarta aflaamta ee IMPPA ayaa khamiistii aynu ka soo gudubnay waxa ay mamnuuceen in shirkadaha aflaamta sameeya ay shaqo siiyaan aktarada ka soo jeeda dalka Pakistan.

Hogaamiye ka mid ah xisbiga garabka Midig Maharashtra Navnirma Sena in uu toddobaadkii hore u qabtay muddo 48 saacadood ah inay dalka Hindiya ugaga baxaan aktarada Pakistan ee ka shaqeysata Bollywoodka dalka Hindiya.