(September 03,2016) Madaxweynii Dalka Ku Yaala Bartamaha Qaarada Asia Ee Uzbekistan, Mr, Islam Karimov Oo Geeriyooday Oo Ahaa 78 Jir – VIDEO

Madaxweynihii dalka ku yaal bartamaha qaarada Asia ee Uzbekistan Islam Karimov oo ahaa 78 sano jir ayaa geeriyooday kadib markii muddo toddobaad ah uu xauunsanaa waxaana la sheegay in uu xidid furan uu u geeriyooday Karimov.

Karimov oo xukumayay dalka Uzbekistan ayaa muddo 25 sano ah ayaa waxaa geeridiisa ku dhowaaqday gabar uu dhalay Lola Tilliyaeva iyadoo ku sheegtay boggeeda Instagram in uu geeriyooday aabaheed.

Sidoo kale dowlada iyo Baarlamaanka dalka Uzbekistan ayaa xaqiijiyay geerida madaxweynaha maanta waxaana ay sheegeen in lagu aasi doono magaaladii uu ku dhashay ee Samarkand Sabtida.

Wadanka Uzbekistan ayaa ka qaatay ama ka go’ay jamhuuriyadii Midowga Soofiyeeti sanadkii 1991kii waxana uu dalkan xuduud la leeyahay wadanka Afhganistan.

Lama oga cidda bedeli doonta Karimov isagoo markii shanaad loo doortay sanadkii hore inuu hogaamiyo dalkiisa illaa iyo sanadka 2020ka kadib markii uu helay inkabadan boqolkiiba sagaashan doorashada.

Hase yeeshee waxaa loo saadaalinayaa inay bedeli karaan ra’iisal wasaaraha dalkaas Shavkat Mirziyoyev iyo ku xigeenkiisa Rustam Azimov sidoo kale waxaa dadku ay faraha ku fiiqayaan siyaasiga Kamoliddin Rabbimov oo ah siyaasi degen dalka Faransiiska.

Karimov ayaa yaraantisii ku soo barbaaray agoonimo waxana uu ku dhashay magaalada qadiimiga ah ee Samarkand waxana uu bartay cilmiga dhaqaalaha iyo farsamada injineeriyada. Waxana uu ku biiray xisbiga shuuciga isagoo ka soo noqday xilligii midowga Soofiyeeti madaxa Uzbekistan sanadkii 1989.


Uzbekistan