(September 03,2016) Buundadii dhalada ahayd ee Shiinaha oo labo todobaad gudahood lagu xiray – SAWIRO

Buundo dhalo ah oo Shiinaha laga furay 13 maalmood ka hor, lagu tilmaamay in ay tahay mar la arag ayaa la xiray.
Saraakiishu waxay sheegeen in dawladdu ay ku samaynayso dayactir dagdag ah agagaarkaas, lana xiray buundada Jimcihii iyada oo dib laga soo sheegi doono marka la furayo.
Laakiin warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay uu sheegay in dadkii booqanayay buundada ay xad dhaaf noqdeen.
Wuxuuna sheegay in wax shil ah uusan ka dhicin buundada isla markaasna aysan dildilaacin ama jajabin.
Buundadan dhalada ah ayuu dhererkeedu dhanyahay430 mitir waxaana ku kacay3.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxayna isku xirtaa labo buurood oo ku yaala Zhangjiajie, oo ka tirsan gobolka Hunan.
Waxay dhulka ka saraysaa 300 mitir, markii la furayna waxaa lagu sheegay in ay tahay buundada ugu dheer adduunka ee dhalo ka samaysan.
Saraakiisha goobta ay buundadu ku taalo yaa ogaysiiskooda ku soo daabacay barta baraha bulshada ee Shiinaha ee Weibo.
Buundadu waxay maalintii martigalinkartaa oo soo booqan kara 8,000 laakiin afhayeenku wuxuu CNN u sheegay in toban jibaarka dadkaas ay doonayaan in ay booqdaan maalin kaste.
Saraakiisha goobta ay buundadu ku taalo yaa ogaysiiskooda ku soo daabacay barta baraha bulshada ee Shiinaha ee Weibo.
Buundada dhalada ah ee laga cabsado marka la kormarayo ee ku taala gobolka Hunan ee dalka Shiinaha
Markii la furayay masuuliyiinta ayaa gaari ay dad ka buuxaan dul mariyay buundada dhalada ah si ay dadka u tusaan in buundadu ay ammaan tahay.

 

Dadka booqday buundada
Sawir laga qaaday ogaysiiska oo afka Shiinaha ku qoran.
Buundada dhalada ah ee laga cabsado marka la kormarayo ee ku taala gobolka Hunan ee dalka Shiinaha
Markii la furayay masuuliyiinta ayaa gaari ay dad ka buuxaan dul mariyay buundada dhalada ah si ay dadka u tusaan in buundadu ay ammaan tahay..