(September 03,2016) Marwada m/weynaha oo casho sharaf u sameysay qoyskii uu ka geeriyooday Maxamed Cali Samatar – SAWIRO

Marwada koowaad ee Madaxwenaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay casho sharaf ugu sameesay Qoyska Marxuum Jenenaal Maxamed Cali Samatar.

Qamar Cali Cumar ayaa mar kale uga tacsiyeesay Qoyska Reer Samatar Geeridii Naxtinta laheed ee ku timid Generaalka, waxa ayna ilaah uga bariday in uu janadii fardowso ka warabaiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Xubno kamid ahaa Qoyska Jeneral Maxamed Cali Samatar oo iyana kusugnaa casho Sharafta ayaa uga mahad celiyay Marwada Madxaweynaha Soomaaliya soo dhaweynta ay u sameesay iyo sidii quruxda badneed ee loo abaabulay aaska Marxuunka.