(September 03,2016) Madaxweynaha oo faray laamaha amniga inay sugaan Amniga Musharaxiinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay amniga doorashooyinka, iyadoo la faray Hey’adaha ammaanka iyo AMISOM inay dar dar geliyaan sugida amniga doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan Madaxweynaha ku dhacdo waqtigii loogu talagaley, sida ku cad soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, laguna ayidey Baaqii Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad goboleedyada ee 9 Agoosto 2016.

“Cadowga naf la caariga ah waxaa uu xaqiiqsadey in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdey, shacabkuna ay cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada, Hadaba cadowga isagoo ka xun guulahaasi la gaarey waxaa isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashada iyo wax walba oo dan u ah ummadda. Sidaa darteed waa in loo midoobaa sidii looga hortegi lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qeyb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo nabadda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxibada aan leenahay ayaana hawshaasi adag u diyaar ah inay qabtaan’’ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale beesha caalamka ugu baaqey inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dhacda.

“Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, dowladaha aan saaxiibka nahay, ururrada caalamiga iyo kuwa goboleedyada ugu baaqeynaa inay ummadda Soomaaliyeed si buuxda ugala shaqeeyaan dardar-gelinta geedi socodka doorashooyinka, ayna soo dedejiyaan taageerada dhanka maalgelinta iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyinka’’.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka