Ciidamada Puntland oo Xiray Shirkada Isgaarsiinta Golis Xarunteeda Magaalada Garoowe

Ciidamada Amaanka Dowlada puntland ayaa Xiray Xarunta shirkada isgaarsiinta Golis, qaybteeda Magaalada Garoowe ee caasimada Dowlada Puntland.

Ciidamaadan Ayaa waxa ay yihiin Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Puntland .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Xiritaanka Shirkadda Golis, ilo wareed ay Puntland Post heshay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan uu Soo Amray Madaxweyne ku Xigeenka puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey.

Maamulka Shirkada Golis ilaa iyo iminka kama aanay hadlin Xiritaankaasi Ay Xireen Xaruntii Garoowe Ciidamada Amaanka ee Puntland.

Dhowaan Madaxweyne ku Xigeenka puntland Ayaa xiray muddo Daqiiqado Ah Bankiga Amal ee Garoowe inkastoo markii danbe  uu dib u bilaabay, iyadoo ay Dawladu lacago kusoo rogtey.