Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay oo sheegay in ciidamo loo dirayo dalka Koonfurta Sudan

Samantha Power oo ah safiirka dowlada Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in horumar laga gaaray qorshaha ciidamada loogu dirayo dalka Suudaanta Koonfureed oo lagu wado in la geeyo afar kun oo ciidamo dheeraad ah oo amaanka ilaaliya.

Balse dowlada South Sudan ayaa ku tilmaantay qorshahani mid nooc gumaysi ah, aysana la shaqayn doonin ciidankaasi.

Haweenaydan ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Suudaanta Koonfureed looga baahan yahay in ay xoojiso sharciga iyo isla xisaabtanka.

Hadalka danjiraha Maraykanka waxaa xoojiyay wasiir ka tirsan dowlada Suudaanta Koonfureed Martin Elia Lomuro.

Suudaanta Koonfureed ayaa waxaa mudo sanad ka badan ka jirray dagaal sokeeye oo labo dhinac ah.

Waxaa dhowaan burburay heshiiska ay beesha caalamka ka soo shaqaysay, waxaana weli taagan qalalaase siyaasadeed