(September 04,2016) Hawenay Muslimad ah oo dacwad ku oogtay Takhtarad Fransiis ah

Ururka Takhaatiirta dalka Faransiiska ayaa maanta ka doodayaa Dacwad  lagu soo oogay Takhtarad Faransiis ah, kadib markii ay diiday inay daawayso haweynay kale oo muslimad ah oo xijaab xirneyd.

Wakaaladda Wararka Islaamka Iina ayaa sheegty in diidmada Takhtaradaasi inay daaweyso haweynadaasi muslimada ah ay sabab uga dhigtay Xijjaabka ay xirneyd awgii, waxaana la sheegay in hadii uu ku cadaado falkaasi ay markaa muteysan doonto in lag eryo shaqada Takhtarnimada.

Inta badan Haweynka muslimiinta ah ee xiran xijaabka ayaa  waxay dalalk Yurub kula kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay hanjbaad iyo midab kala sooc.