Meydka Muwaadin Somaliyed oo laga helay Jazeerad ku taalo dalka Norway..

Meydka Muwaadin Somaliyeed oo lagu magacaabi jiray  Caydaruus Cumar Faarax ayaa laga helay saakay Jasiirada Tromso ee waqooyiga dalka Norway.

Caydaruus Cumar Faarax ayaa la sheegaya in uu  ka mid ahaa taksiilayaasha ka shaqeysta Jasiirada Tromso ee dalka Norway.

Taliyaha qeybta Booliska Jasiirada Tromso ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan sababaha loo dilay Caydaruus oo muddo dheer kunoolaa dalka Norway.

Somalida ku nool dalka Norway ayaa sheegay in aan la aqoon cida dishay muwaadinkaan Somaliyed , islamarkaana ay ka war sugaayaan baaritaanada Ciidanka Booliska.

Jasiirada Tromso oo ku taalla Waqooyiga Norway ayaa waxaa ku nool Somali badan , kuwaas oo qaarkood ay muddo dheer joogeen.