Shacabka Colombia oo diiday heshiiska nabadeed ee dowladda iyo Fallaagada FARC – SAWIRO

Dadka reer Colombia ayaa diiday heshiiskii nabadeed ee dhowaan ay wada galeen dowladda iyo Fallaagada FARC, kadib afti dadweyne oo loo qaaday.

Dad ka badan 13 milyan oo ruux codkooda ka dhiibtay aftida loo qaaday heshiiska ayaa si lama filaan ah ay ku diideen heshiiskaas oo loo arkayay mid taariikhi ah, isla markaana uu qeyb ka qaadanayo soo afjarida colaadii dalkaas muddo ka jirtay.

Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santod oo heshiiskan saxiixay ayaa ku adkeystay in heshiiska sidiisa u socon doono, isla markaana aanu is casili doonin.

Isagoo ka hadlayay Telefishinka ayaa waxaa uu caddeeyay inuu sii wadi doono heshiiskan nabadeed mudada uu xilka haayo, waxaana mudada xilkiisa ay ku eg tahay sanadka 2018.

Tallaabada shacabka reer Colombia ku diideen heshiiska nabadeed ayaa aheyd mid fajiciso aheyd, maadaama dowladda u arkeysay inay xal ka gaartay caqabad muddo sanado ah ka jirtay dalkaas.

Dowladda iyo Fallaagada FARC ayaa sheegay in go’aankooda ku aadan nabada laga dhaliyo dalka oo dhan uu yahay mid halkiisa taagan, isla markaana aanay marnaba heshiiskaas wax u dhimi doonin diidmadii shacabka dalkaas

vote vote1 vote3