Shacabka Hungary oo u codeyneysa afti ku aaddan muhaajiriinta

Shacabka Hungary ayaa codkooda ka dhiibanaya qorshe uu Midowga Yurub ku doonayo, in dhammaan dalalka xubnaha ka ah ay si qasab ah ku aqbalaan tiro loo qoondeeyay oo muhaajiriin ah.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Viktor Orban, ayaa shacabkiisa uga baaqay in ay diidaan qorshahaasi, asagoo sheegay in muhaajiriinta ay khatar ku yihiin ammaanka iyo hab-noolaleedka Yurub.

Axsaabta mucaaradka ah ee Hungary ayaa ku tilmaamay baaqa Mr Orban mid ajnebi nacayb ah.

Aftida ayaa kusoo beegmeysa sanad ka dib markii ay dowladda Hungary soohdinteeda koonfureed ku wareejisay silig sakiin ah, xilligaasi oo ay kasoo gudbeen ku dhawaad afar boqol oo kun oo muhaajiriin ah, kuwaasoo u dhaafay dhanka galbeed.

Mr Orban ayaa filaya in uu guul ballaaran ka gaaro aftida, balse si ay sharci u noqoto natiijadaasi ayaa waxaa loo baahan yahay in ay codkooda dhiibtaan ugu yaraan boqolkiiba 50 codbixiyayaasha Hungary.