Ciidanka dowladda iyo kuwa K/Galbeed oo hub ka furtay maleeshiyaadka Al-shabaab

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka K/galbeed eek u sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ibraahim Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha degmada Diinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowlada iyo kuwa K/galbeed ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadkaasi oo ku sugnaa deegaan hoos yimaada degmada Diinsoor, kadibna hubkaasi lagala wareegay.

“Ciidanka labada dhinac ayaa weerarka qaaday, waxaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan hub ay ka carareen Al-shabaab”ayuu yuru gudoomiyaha.

Ciidanka dowladda ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo loogu talo galay in looga hortago maleeshiyaadka Al-shabaab, oo dhibaato ku hayey dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.