Shiikh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo caawa ku kulmay Nairobi iskana xulafaysanaya Xasan Skeekh

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labaduba ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa caawa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka wadahadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay diirada ku saareen sida ay ka yeelayaan doorashada iyo qaabkii ay isaga kaashan lahaayeen ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Xasan.

Labada nin oo xilli soo noqday Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaarihii ayaa iminka doonaya inay isbaheysi ka sameeyaan doorashada Madaxweynaha ee lagu wado in dhowaan ka dhacdo Muqdisho.

Hase yeeshee qaabka ay isaga kaashan karaan doorashada ayaan la ogeyn, maadaama labaduba ay yihiin musharixiin.

Musharax Madaxweyne Cumar C/rashiid ayaa waxaa soo baxayay hoos u dhac ku imanayay ololihiisa doorashada.

Balse Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bilaabay inuu labakacleyn ku sameeyo ololihiisa, si uu macno u yeelo, waxaana uu dhowaan tegey Sheekh Shariif magaalada Kismaayo isagoo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, waxaa kaloo uu Muqdisho kula kulmay madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo xildhibaanada ka soo jeeda maamul goboleedyada.

Dad badan ayaa aaminsan in Sheekh Shariif aanu wali ololihiisa doorashada xasilin, isla markaana aanay ka soo dhamaan dibadda, iyadoo tusaale loogu soo qaadan karo in isagoo aan Muqdisho todobaad soo joogin inuu isaga soo huleelo.

Ololaha Sheekh Shariif ayaa lagu tilmaamayaa in hoos ugaga dhacay hamigii dad badan ay ka filayeen, maadaama uusan waqti badan ku qaadan dalka gudihiisa, isagoo maanta dib ugu soo laabtay dalka Kenya, kaddib markii labo maalin uu ku sugnaa Muqdisho.