Qaramada Midoobay Oo Bilaabay Baadhitaanka Xasuuqa Lagu Hayo Muslimiinta Rohinya

Qaramada Midoobey ayaa sameynaya baaritaan ku saabsan ololeha adag ee militiriga ee ka dhanka ah muslimiinta Rohingya wadanka Myanmar oo lagu eedeeyay wararada kufsi, dil, iyo jirdil ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee dalka Buddhist-ku badanyahay.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Myanmar, Yanghee Lee, ayaa bilaabi doonta booqasho 12-maalin ah ee gobolada Rakhine iyo Kachin ayaa lagu sheegay warbixinta, Qaramada Midoobay.

Gobolka Rakhine ee waqooyiga Myanmar, halkaas oo muslimiinta Rohingya ugu badanyihiin, ayaa ku jira go’doon ciidamada tan iyo bishii October ee sannadkii hore, taasoo ku qasabtay tobanaan kun oo ka mid ah xubnaha ka tirsan kooxda laga tiro badan yahay in ay u cararaan gobollada deriska ah ee Kachin ama dalalka jaarka ah sida Bangladesh.

Hawlgalka arxan darada ah ee ciidamada ee gobolka Rakhine ayaa bilaabmay ka dib markii weerar lagu qaaday saldhiga booliska oo dowladda ku eedeeysay in ay fuliyeen dagaalyahano ku jira muslimiinta Rohingya.