Shiinaha oo xiray iskuulka dumarka lagu barayay in ay “raaliye noqdaan”

Shiinaha oo xiray iskuulka dumarka lagu barayay in ay “raaliye noqdaan”

File imageLahaanshaha sawirkaSCIENCE PHOTO LIBRARY
Image captionIskuulka ayaa dumarka kula talinayay in aysan murmin marka la garaacayo

Maamulka dalka Shiinaha ayaa albaabada isugu laabay machad haweenka barayay in ay nimankooda u dhega-nuglaadaan una dabacsanaadaan.

Iskuulka oo sheegay in casharada ay yihiin kuwa ka turjumada “wanaagga dhaqanka”, waxaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay qiimaha aragtida hantiwadaagga.

Muuqaal internet-ka la geliyay wuxuu muujinayaa macallimiin sharaxaya casharro ka soo hor jeeda sinnaanta ragga iyo dumarka, halkan qaar ka mid ah barayaasha ay haweenka kula talinayeen in aysan dagaallamin haddii la garaaco.

Iskuullada noocan ah ayaa Shiinaha ku soo badanayay sanadihii ugu dambeeyay.

Muuqaalka oo aad u baahay waxaa ka muuqdo macallimiinta Iskuulka Caada-Dhaqameedka ee Fushun oo dumarka u sheegaya in aysan isku deyin in ay waxbartaan, “ayna ku noolaadaan heerka hoose oo keli ah”.

Sidoo kale, macallimiinta ayaa dumarka ku baraarujiyay in si shuruud la’aan ah ay ugu hoggaansamaan aabayaashooda, nimankooda iyo wiilashooda.

Talooyiinka kale ee uu bixiyay iskuulkan waxaa ka mid ah in dumarka aysan dood ka keenin haddii la garaaco iyo in aysan weligood isku deyin in ay furriin dalbadaan.

“Waxkastoo seygaaga ku weydiiyo, jawaabtaaadu waa in ay noqotaa: ‘haye waan aqbalay”, Waxaa sidaas ardeyda u sheegtay mid ka mid ah macallimiinta dumarka ah.

Muuqaalka waxaa ku jiray dumar sameynaya shaqada guriga sida nadiifinta dhulka iyo musqulaha, ayagoo gacmahooda adeegsanaya.

Xaas Shiinaha u dhalatay oo caruur la joogtoLahaanshaha sawirkaAFP

Sida uu qoray wargeys lagu magacaabo Global Times, qaar ka mid ah shaqaalaha iskuulka, oo la furay 2011-kii, ayaa diiday in la xiro, waxayna majalladda u sheegeen in muuqaalka la baahiyay uu ka been abuurayo shaqadooda oo ah in ay horumariyaan caado-dhaqameedka.

Warbixin lagu daabacay barta Weibo oo ah xafiiska waxbarashada Fushun ayaa lagu yiri: “Casharrada iskuulka waxay lid ku yihiin anshaxa bulshada waana in si degdeg ah loo xiro”.

Sidoo kale waxaa la amray in baaritaan ballaaran la sameeyo oo la raadiyo haddii ay jiraan iskuullo kale oo midkan la mid ah.