Shir Madaxeedka IGAD oo bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Muqdisho

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kaasoo noqonaya shirkii madaxeedkii u horeeyay ee heer Caalami ah oo Soomaaliya marti gelin doonta muddo 30-sano kadib.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in bisha soo socota ee September la qaban doono shir madaxeedka caadiga ah ee sanadlaha, kaasoo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Shirkii deg dega ahaa ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD shalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa looga hadlay arrimaha Koofurta Sudan, kaasoo looga hadlay xasaradaha ka jira dalka Koofurta Sudan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfuurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2015 ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD, sidoo kale waxaa sanadkii 2005-ta magaalada Jowhar oo xarun KMG u aheyd dowladdii KMG ee Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf ka dhacay shirka wasiirada arrimaha dibadda IGAD, inkastoo shirkaas aanay si dhameystiran Wasiirada arrimaha dibada Dalalka IGAD ee waqtigaas aanay uga soo qeyb gelin