Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo galay wajigii ansixinta dastuurka.

Shir  ay ka qeyb -galeen ergooyin ku dhow 300 laguna ansixinaayo dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa mar kale ka furmay magaalada Jowhar,kadib koklii la soo gabagabeeyay wajigii hore ee shirkaasi.

Furitaanka wajiga labaad  ,waxaa xafladdii lagu maamuusaayey ka qeybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Arimaha Gudhaa iyo federaalka Dr Yahye Cali Ibraahim, Gudiga fududeynta shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, masuuliyiin ka socotay maamulada Hiiraan iyo Sh/dhexe, urur goboleedka IGAD iyo waxgaradka labada gobol.

‘’ ergooyinka shirka oo aan ugu talagalnay ilaa 300 waxaa manta nala jooga 250  inta kalena waa ay ku soo biiraysaa insha allah howlaha horyaalo waxa ka mid ah doodista iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe  markaasi kadib waxaan guda gali doonaa wajiga sedexaad ee soo xulista xildhibaanada Barlamaanka waxaana noo xigi doonto doorashada Gudoonka Barlamaanka iiyo Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaan rajaynaynaa in ugu dambeyn 15 bisha soo aadan ee oktoobar in labada gobol ay yeeshaan Barlamaan iyo Madaxweyne ayuu Yiri Xoghayaha Joograda ah ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo federalka  Prof Yaxye’

Gudoomiyaha Gudiga Fududeynta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe Ciise Samow iyo Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Sh-dhexe ahna  Gudoomiye ku xigeenka Amniga Amniga iyo Siyaasada gobolka oo marti galinaya shirkan iyo Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Maxamed Macalin Qalaafoow ayaa sida wadajirah u bpgaadiyay furitaanka wajiga labaad ee shirka iyo ku guuleysiga xareynta ergada

Suldaan Axmed Rashiid shiiq Shuceyb iyo Nabadoon Maxamuud Xalane oo ku hadlay afka waxgaradka labada gobol ayaa wadajir u sheegay in dadka labada gobol ay ka go’antahay inay helaan maamul ka shaqeeya aayahooda.