Ban Ki-Moon oo Xaalada Magaalada Xalab ee Syria ku tilmaamay mid ka daran Kawaanka Hilibka lagu gowraco..

United Nations Secretary-General Ban Ki-moon (R) holds a joint news conference with UN-Arab League Envoy to Syria Lakhdar Brahimi (not pictured) in Montreux January 22, 2014. Syria's government and its enemies come face to face on Wednesday for the first time as world powers try to set aside their own differences and push for an end to three years of civil war that is unsettling the entire Middle East. REUTERS/Gary Cameron (SWITZERLAND - Tags: POLITICS)

Mareykanka ayaa ku hanjabey in ay joojinayaan dhamaan wada shaqeynta ay la wadaagaan Ruushka, marka la eego xaaladda Siiriya.

In la badbaadiyo xabbad-joojintii la gaarey ama la gaaro heshiis cusub ayaa rajadiisu tahay mid aan jirin.

Ban Ki-moon Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa Xalab (Aleppo) ku tilmaamey mid ka xun Kawaanka hilibka lagu qalo, marka la eego caruurta iyo dadka aan waxba galabsan ee maalinkasta lagu gumaaadayo.

“Bal qiyaas burburinta. Dadka addimada go’an. Caruurta xanuunka iyo tiiraanyada dareemaya oo aan gar-gaar helayn. Bal qiyaas kawaankan. Tani waa ka sii xuntahay Kawaan, ayuu yiri Ban Ki-moon, sdia ay qortey AFP.

Maalmihii u danbeeyey ciidamada Bashar Assad oo ay taageerayaan diyaaradaha Ruushanka ayaa dagaal culus ku qaadey bariga Xalab, waxaana ay ku dileen dad badan oo rayid ahaa kuwaas ookamid ah dadka faro kurtiska ah ee ku harey Xalab.