Shirka Madasha Qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo maanta Muqdisho ka furmaya

Shirka Madasha Qaran ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya mudane Daauud Aweys ayaa SONNA u sheegay in hada ay socoto qaban qaabada shirka oo sida qorshuhu uu yahay furmaya galinka dambe ee maanta.

Waxaa uu sheegay afhayeenka in madaxda maamul goboleedyada dalka qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, halka qaar kalena la filayo in goor dhow ay yimaadaan Muqdisho, si shirka ay uga qeyb galaan.

Shirka maanta furmaya ayaa la filayaa In looga hadlo qodobo muhiim ah, oo ku saabsan arimaha doorashooyinka dalka.