(07/08/2016) Siyaasadaha Obama ee Adeegsiga Drones-ka oo la soo bandhigay

Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka ayaa Sabtidii shalay sheegay in Aqalka Cad ee Maraykanku uu soo saaray nugul la tafaftiray oo ku saabsan siyaasado mar hore sir ahaa oo maamulka Obama uu ku adeegsan jiray dayuuradaha aan duulahaya lahayd ee uu kula dagaalamo argagixisada.

Warbixintan oo 18 bog ka kooban ayaa taxaysa siyaasado uu Obama sheegay in loo dhigay sidii loo ilaalin lahaa dadka shicibka ah ee laga yaabo inay ku dhinteen duqeynta ay geysanayaan dayuuradahan aan duuliyaha lahayn ee meesha fog laga hago.

Warfidiyeenno akhriyey warbixinta ayaa sheegay in amarka madaxweynuhu uu shaqaalaha amniga qaranka siinayo kaalin weyn oo lagu bartilmaameedsanayo, laguna dilayo argagixisada. Shaqaalahan amniga qaranka ayaanan Congresska Maraykanku shaqadooda aanu dib u eegin.