(07/08/2016) Dowladda Iran oo dishay saynisyahan lagu eedeeyey in sirdoonka Mareykanka uu la shaqeeynaayey

Xukuumadda Iran ayaa dal-dashay saynisyahan u dhashay dalkeeda oo xirnaa tan iyo sanadkii 2010-kii kaas oo lagu eedeeyayin uu la shaqeeyay sirdoonka Mareykanka ee CIA

Shahram Amiri hooyadii ayaa sheegtay in maydka wiilkeeda la keenay magaalada ay ka soo jeedaan isaga oo luquntiisu ay calaamad ka muuqato, taas oo muujinaysa in la daldalay.

Markii dambe waa la aasay. Amiri ayaa meel qarsoodi ah lagu hayay kaddib markii uu ka soo noqday dalka Maraykanka oo uu sheegay in sirdoonkoodu ay qasab ku geeyeen.

Wararka qaar waxay sheegayeen in uu macluumaad badan ka hayay barnaamijka Nukliyeerka Iran.
Amiri oo dhashay sanadkii 1977, ayaa la waayay kaddib markii xaj u tagay magaalada Maka 2009-kii.

Maraykanka ayuuna mar dambe ka soo muuqday isaga oo sheegay in la afduubtay cadaadis dhanka maskaxda ahna lagu saaray in uu CIA-da siiyo macluumaad xasaasi ah.

Muuqaal isaga oo Maraykanka jooga ah ayuu sheegay in ay geeyeen guri uusan garanaynin meel uu ku yaallo ayna ku dureen dawo.

Muuqaal kale ayuu ku sheegay in uu ka soo baxsaday maxbuusnimadii Maraykanka, Tehran ayuuna ku soo noqday 2010-kii isaga oo sidii halyay loo soo dhaweeyay.

Saraakiil Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in Amiri uu iskii u soo baxsaday uuna Maraykanka siiyay macluumaad faaiido badan.

Markii dambe waxaa la sheegay in xabsi dheer lagu xukumay markii uu Tehran ku soo laabtay
Wakhtigaas qoyskiisa ayaa BBC-da u sheegay in la xiray ayna u cabsanayaan noloshiisa.