Sucuudiga oo Mareykanka uga digay cawaaqib xumo ka dhalata Weerarkii dhacay 11-kii Sep, 2001-dii

Dowladda Sucuudiga, ayaa uga Digtay Congress-ka Mareykanka inuu u ogolaado ehellada Dadkii ku dhintay Weerarkii 11-kii September, 2001-dii ka dhacay New York in tallaabo sharci ah ay qaadaan, taasoo ka dhan ah Sucuudiga. Xukuumadda Riyaad ayaa sheegtay in la doonayo in tallaabadan lagu suuro-geliyo diidmada ay Congress-ku diideen Codkii diidmada-qayaxan ee uu u soo gudbiyay Madaxweyne Barack Obama.

Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa intaas ku daray inay tallaabadaas yeelan doonto saameyn xun oo dhanka siyaasadda ah. Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso ciidamada iyo Saraakiisha Mareykanka ah ee ka hawl-galaya dalka dibaddiisa, kuwaasoo uu sheegay in ay wajihi karaan dacwad.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest ayaa sheegay in Xildhibaannada Congress-ka, aysan fahmin Cawaaqibka Arrintaan ka dhalan kara. Dhanka kale, Hogggaamiyaha Aqlabiyadda ee Aqalka sare ee Mareykanka, Mitch McConnell ayaa sheegay inaysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka xiriirka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.

McConnell ayaa ka mid ah xildhibaanada ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo u codeeyay sharcigan, balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga beddelo. Ugu dambeyn, mudanahan ayaa sheegay inay doonayaan in ay sharcigaas ku koobaan arrinta ku saabsan weerarkaas, si ay u yareeyaan saameynta ay Arrintaan ku yeelan karto shacabka Mareyakanka ee dibadda ku nool.