Ismaacil Hurre Buuba Oo Wadahadalka Khaatumo iyo Siilaanyo Ka shakiyay Oo Aamini Waayay Kooxda Siilaanyo Matalasa?

Xili magaalada dubai uu ku sugan yahay hogaamiyaha snm axmed siilaanyo kaasi oo kulan gobol xaadh ah kula yeelan doona magaladaasi madax kamid ah khaatumo.

Kulankaasi waxaa uu khal khal galiyay siyaasiyiinta snm kuwaaso baqdin xoogan ka muujiyay wadahadalkaasi markii dibada la iskula baxay.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi siiyey warbaahinta hargeisa ayaa yidh “Shirka gogol xaadhka ah ee Dubai ka dhacaya waan soo dhaweeynayaa waxaanan ku rajo weynahay inuu Shirkani keenayo faa’iido iyo is fahan, Cali Khaliif Galaydhna Siyaasi culus, in lala hadlaana waa muhiim kolay Shirkan isagu ka qayb gali maayo balse Niman kale oo hawshan u qaabilsan ayaa ka qayb galaya. ayuu yidhi.

Siyaasi Buubaa mar uu ka digaayey in la siyaasadeeyo Shirkan ayaa yidhi “Waan ka digayaa in Shirka la siyaasadeeyo oo lagu soo koobo Xisbi oo la yidhaahdo Xisbi qudha ayaa wax la hadlaya waxay sharaftu ku jirtaa in Shirkan in la balaadhiyo oo aan la soo koobin laguna soo koobin in cid gaar ah oo Xisbiyi wada hadaladan gasho,,dabcana shirkani Xisbi qudha wuu ka baaxad weyn yahay ayuu yidhi ismacil.

Si kastaba ha ahaate buuba ayaa sheegay in shirkan loo bahan yahay in xisbiyada snm isku kashadan oo dhamaantood ka qeyb galan.