Suuriya: Kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo dhul laga qabsaday

Suuriya: Kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo dhul laga qabsaday

Deyr Al-SoorLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDeyr Al-Soor

Xoogga mucaaradka ah ee Maraykanku taageero ee Suuriya ayaa ceelasha saliidda ee ku yaalla bariga gobolka Deyr Al-Soor ka qabsaday kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Ciidamadaas oo la yidhaa Xoogagga Dimuqraadiga Suuriya ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta ceelasha Al-Cumar oo ah kuwa saliidda ugu badan ee dalkaas laga soo saaro.

Waxay xoogagani guluf ku qaadeen dagaalyahannada Daacish bishii hore waxaanay ka qabsadeen ceelal kale oo gaaska laga soo saaro oo ku yaala isla gobolka Deyr Al-Soor.

Sida oo kale ciidamada dawladda Suuriya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ayaa iyaguna dhinacooga weerar kaga soo qaaday kooxda la baxday Dowladda Islaamka, gaar ahaan furimaha gobolkaa ka midka ah oo dhanka galbeed ka xiga webiga Furaat.