Gaari dad shacab ah saarnaayeen oo miino kula qaraxday duleedka Balcad

Gaari dad shacab ah saarnaayeen oo miino kula qaraxday duleedka Balcad

by A M Sunday, Oct 22, 2017 

October 22 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad.

Gaarigan oo ahaa hoomey ayaa waxaa saarnaa Haween beeraley ah, waxaana ay marayeen jidka wareega ah.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya illaa shan ruux ay ku dhinteen, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee ay la kacday gaariga rakaabka ah ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordho, maadaama aanay deegaanka laheyn goobo caafimaad oo tayeysan.

Maalmihii u dambeeya ayaa waxaa xiisado ka jiray deegaano u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, halkaasoo dagaalyahano ka tirsan Shabaab soo galeen, waxaana ka dhacay iska hor imaadyo.