Taliska Ciidamada AMISOM oo maanta kulan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka xiliga doorashooyinka ku yeeshay xarunta Xalane – VIDEO

Waxaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Taliska AMISOM ee magaalada Muqdisho, Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM, waxa ayna kulanka uga hadleen sidii loo xoojin lahaa amaanka xiliyada doorashooyinka dalka ka dhacayaan.

Kulanka waxaa Shir gudoominayay Taliyaha Ciidamada AMISOM General Osman Noor Subagleh, waxaana kulanka ka soo qeyb galay abaanduulayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolada Soomaaliya.

Waxaa kulanka intii uu socday Saraakiisha AMISOM ay ka hadleyn sidii loo adkeyn lahaa amaanka Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka, waxa ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii ciidamo katirsan AMISOM loo geyn lahaa magaalooyinka qaar ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa horey u balan qaaday in ay gacan weyn ka geesan doonaan sugitaanka amaanka xarumaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka, waxaana Taliska AMISOM mudooyinkan yeelanayeen kulamo isdaba joog ah oo arimhaasi uga hadlayeen.