Norway oo Dad Soomaaliya si khasaba dib ugu celisay Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay waxaa la sheegay in illaa iyo 10 qof oo Soomaali ah oo dhallinyaro u badan laga celiyay dalka Norway laguna celiyay meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.

Dadkaasi ayaa isugu jiray kuwo sharciyada loo diiday iyo kuwo degenaansho heystay laakiin lagu eedeeyay inay markii hore musuq maasuqeen sida ay ku heleen degenaanshaha.

Dadka la celiyay waxaa ka mid ah Axmed Ashkir Cali oo dhawaan lagu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Axmed ayaa sheegay in dad ka shaqeeya garoonka Muqdisho ay xiriir la leeyihiin dowladda Norway kalana shaqeeyaan dadka dalka lagu soo celinayo.