Beesha Caalamka oo Qaaday Tallaabo Lagu Xayiraayo Socdaalka Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Ee Qaarada Yurub

Warar laga helaayo Ilo Diblumaasiyadeed oo u dhuundaloola Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay Safaaradda Ingiriiska ee dfadhigeedu yahay dalka Itoobiya hakisay Safar uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminaayo ku tagi laaheen dalka Ingiriiska iyo Jarmalka.

Tallaabadan Safaaraddu ku xayirtay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigiisa oo uu kamid yahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay salka ku hayso amar ay bixiyeen Beesha Caalamku, kaddib markii dhowaan uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo wareegto ku kala qaaday Doorashooyinkii isbarkanaa ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynuhu dalbaday in la kala qaado, isla markaana doorashadda Baarlamaanka dib loo dhigo.

Xayiraadan Beesha Caalamku saartay Safarkii Madaxweynaha Somaliland ku tagi laha dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Waddanka Jarmalka ayaa tilmaamaysaa aargoosi diblumaasiyadeed oo beesha Caalamku kaga aar-gudanayso Xukuumadda Somaliland oo ka dhego adaygtay baaqyo faro badan oo ay ku dalbanayaan in doorashooyinka isku waqti ay dhacaan. Iyadoo tallaabadanu daba socoto kulankii doraad Madaxtooyadda ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo agaasimaha wasaaaradda arrimaha dibeda dalka Ingiriiska iyo sidoo kale Safiirka Ingiriiska Somaliland iyo soomaliya u fadhiya Adis-sababa, kuwasoo isku afgaran waayey kala qaadista labada doorash, waxanay Beesha Caalamku dalbatay inay isku waqti dhacaan, halka xukuumadduna ku adkeysatay in la kala qaado.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa galabta war murtiyeed ay soo saartay meel adag iska taagtay kala qaadis lagu sameeyo Doorashooyina Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda, waxanay sheegeen in aanay dib uga qaybqaadanayn oo dhaqaale ku bixinayn doorashooyinka Somaliland hadii la kala qaado labadan doorasho. Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda inay beesha caalamku meel adag ka taagan tahay kala qaadista doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo inay dhowaan ka dhacdo dalka, mana muuqato waanwaan hadda labada dhinac iskugu soo dhowaanayaan, hase-yeeshee waxa la filayaa inay Xukuumaddaa Somaliland ka tanaasusho kala qaadista labadan doorasho, iyadoo laga yaabo inay labada doorasho oo isku lamaani muddo dib u dhacaan.

Qarannews.com