Ugu yaraan dhowr qof oo lagu dilay Mandheera

Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu dilay Mandheera ugu yaraana waxaa halkaa lagu dhaawacay 4 kale.

Dabley hubeysan oo loo maleeyay inay Al-Shabaab ka tirsan tahay ayaa xalay weerartay hoteelka la seexdo ee  Bishaaro Lodge ee magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Dadka la laayay ayaan u dhalan degmadaa balse kasoo jeeda gobolo kale. Dadkaa la laayay ayaa hawl shaqo oo waxbarasho la xiriirta u joogay magaaladaasi Mandheera sida boolisku xaqiijiyay.

Dadka dhaawaca ah ayaa haatan isbitaalada Mandheera lagu dabiibayaa.

Dhowr todobaad ka hor waxaa dhacay weerar caynkaa ah oo sidoo kale dabley inta weerartay meel ay daganaayeen ay ku dishay qaarna ku dhaawacday dad qeybo kale oo Kenya ah kasoo jeeda.

Waxaa sidoo kale dhacdadaa ka dambeeyay goor habeyn ah in booliska iyo dabley is rasaaseyn ku dhex martay magaaladaa uu waardiye iskool ku dhintay.

Magaalada Mandheera ayaa dhacdadii xalay kadib waxaa saaka ciidamada Kenya ay bilaabeen baaritaano ay ku doondoonayaan dableydii weerarkaa soo qaaday ayna ku sugayaan ammaanka.