Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne – VIDEO

Weerarkan oo noqonaya kii ugu culsaa oo wayadii ugu danbeeyay lala eegto AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qaaday Saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledwene.

Qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn saldhiga la weeraray HOL u sheegay in gaari UD ah oo dusha sare laga soo saaray ”Bal” [Cowska ay cunaan Xoolaha] lagu weeraray saldhiga, iyadoo wixii intaa ka danbeeyayna la maqlayay rasaas culus.

“Anigu farmashi ayaan ku lahaa goob aan ka fogeyn saldhga ciidanka Jabuuti ee weerarka lagu qaaday, dhismihii armashiga ayaa isugu so dumay,” ayuu yiri Ruuxa la Hadlay HOL.

Wuxuu intaa ku daray in markiiba loo soo sheegay dhimashada gabar ay qaraabo ahaayeen oo madaxa ay uga dhaceen biro ka soo firxaday qaraxa gaariga.

“Goobta ayaa ahayd meel aad u mashquul badan, waxaa ku yeella suuq lagu iibiyo xoolaha oo ay dadku u soo shaqo tagaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.Isbitaalka Guud ee Beledweyne ayaa la dhigay dhaawacyadaqaar ka mid ah dadkii wax ku noqday qaraxa.

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid degan mana jirto rasaas dhaceysa, balse ahaatee guud ahaanba ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku jirra foojignaan dheeraad ah, iyaga oo xirray jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Saacado ka hor weerarkan ismiidaaminta ah ciidammada dowladda ayaa fashiliyay miino lagu aasay meel wadadda dhinaceeda ah oo ay qarxiyeen qeybta miino baaritan ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax ah oo ka soo baxay laamaha ammniga dowladd iyo AMISOM intaba waxaana muuqanaya wali in ay socdaan baaritaanno la xiriira sidda uu weerarku u dhacay.

Ugu dambeyn, Wixii dheeraad ah ee kasoo kordha warka arintan ku saabsan waan idin soo gudbin doonnaa…