United vs City: Mourinho & Guardiola oo meesha ka saaray inuu xifiiltan ka dhaxeeyo

Labada tababare ee uu xifiiltanka ka dhaxeeyo ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ayaa iska fogeeyay hadalo sheegaya in ay cadaawadi dhex mari doonto inta ay socoto ciyaarta ay yeelanayaan labadooda kooxood.

Manchester United ayaa kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City waxa ay galabta kula dheelaysa garoonka Old Trafford.

Ciyaartan aadka loo sugayo ayaa la filayaa inay noqoto tii ugu adkeyd ee dhexmarta labada Manchester muddo tobannaan sana ah.

United iyo City ayaa waxaa layliya “laba tababare oo waa weyn” waa Mourinho iyo Guardiola, horyaalka Ingiriiskana xagaagan waxa ay ku bilaabeen guulo isxigxigay.

Inta koob ee ay ku kala guulaysteen labada kooxood ee Man United iyo Man City
Image caption Inta koob ee ay ku kala guulaysteen labada kooxood ee Man United iyo Man City

Labada kooxood ayaa kharashgareeyay lacag fara badan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Man United waxa ay ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ee Paul Pogba ku soo iibsatay £89m oo ah lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado ciyaartoy, halka Man City-na ay John Stones kula soo wareegtay £47.5m taasoo ka dhigtay ciyaartoygii labaad ee ugu qaalsan daafaca dunida.

Tababarihii hore ee Barcelona Guardiola ayaa sheegay in xifiiltanka shakhsiyadeed ee kala dhaxeeya tababarihii hore ee Real Madrid Mourinho uu yahay wax ay “warbaahintu” sameysay.

Mourinho ayaa isna waxa uu meesha ka saaray in wax dhibaato ah ay kala dhaxeyso Guardiola.