Aqalka Kongareeska Mareykanka oo meel mariyay in Sucuudiga la dacweyn karo

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa waxa uu taageeray xeer u ogolaanaya qoysaska dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay weerrarkii 9/11 inay dacweeyaan dowladda Sucuudi Carabiya.

Hasayeeshee waxaa jirta cabsi ah in madaxtooyada ay xeerkaasi dul dhigi doonto codka qayaxan ee Veto-ga.

Aqalka Senate-ka ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay tallaabadaasi bishii May, inkastoo dadka ka soo horjeeda ay ka digeen in ay haleyn karto xiriirka Mareykanku uu la leeyahay Sucuudiga.

Madaxweyne Obamana waxa uu ku adkaystay inuu awooddiisa diidmada qayaxan uu ku horjoogsan doono xeerkaasi.

Shan iyo toban ka mid ah sagaal iyo tobankii qof ee diyaaradaha afduubtay misana qaaday weerrarkii 9/11 ayaa waxa ay u dhasheen dalka Sucuudiga.